Himilo – Maraakiibta ugaarsata nibiriga ee dalka Jabaan ayaa isku diyaarinaysa inay ka shaqo bilaabaan dakad ku taalla waqooyiga dalkaasi kaddib muddo 30 sanno ah.
Jabaan ayaa shaacisay sannadkii hore inay dib u bilaabayso dabashada nibiriga sababo la xiriira arrimo ganacsi, waxaana tani ka dhashay dhaleeceyno caalami ah iyadoo loo baqayo tirada nibiriga caalamka.
Jabaan ayaa ku adkeysanaysa in cunista nibiriga tahay qeyb kamid ah dhaqankeeda iyadoo aysan khatar dabar go’ ku jirin inta badan nuucyada xayawaanka.
Sannadkii 1986-dii ayaa la joojiyay ugaarsiga nibiriga balse Jabaan ayaa markaasi billowday waxay ugu yeertay ugaarsiga la xiriira baaritaanada cilmiyeed ee waqooyiga badweynta Pacific-ga iyo cirifka koonfureed.
Sida ay qortay wakaalada Reuters, ugaarsiga nibiriga oo bilaabanaya maalinta berri ah ayaa ku koobnaan doona deegaanka dhaqaale ee Jabaan.