Home / Arrimaha Bulshada / Jabaan oo maxkamadeynaysa boostoole aan 24,000 farriin gaarsiin dadka ay ku socotay

Jabaan oo maxkamadeynaysa boostoole aan 24,000 farriin gaarsiin dadka ay ku socotay

Himilo – Nin u dhashay Jabaan oo horay uga shaqeyn jiray boosto ayaa laga yaabaa in uu wajaho maxkamad iyada oo loo heysto mas’uuliyadda ah in uusan kumanaan farriimo ah gaarsiinin dadkii ay ku socotay.

Wargeyska The Guardian ayaa qoray in booliiska uu ka helay guriga ninka boostada 24 kun farriimo oo aan la gaarsiin dadkii ay ku socotay. Farriimaha qaar ayaa u laabanaya sannadkii 2003-dii.

Afhayeen u hadlay booliiska Kanagawa oo ku dhaw caasimadda Tokiyo ayaa sheegay in ninka loo wareejiyay maxkamad iyada oo loo heysto in uu ku xadgudbay sharciyada boostada.

Mar wax laga weydiiyay sababta, eedeysanaha ayaa sheegay in uu dhibaato ku dareemi jiray farriimaha boostada.

Haddii lagu helo eedeymaha ku wajahan, waxaa lagu xukumi karaa ugu yaraan seddex sanno oo xarig ah ama ganaax lacageed oo dhan 4500 doolar.

Hay’adda boostada Jabaan ayaa goor sii horreysay ceyrisay ninka iyada oo ka cudur daaratay farriimaha aan la gaarsiin dadkii lahaa balse madaxda hay’adda ayaa ballan qaaday in farriimaha la gaarsiin doono dadka lahaa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan