Himilo FM –Hadal uu jeediyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Jabaan ayaa dhaliyay muran iyo walwal badan kaddib markii uu u muuqday inuu haweenka dalkaasi ku eedeynayo dhalmo yarida Jabaan.
Taro Aso oo 78 jir ah ayaa sheegay in dadka da’da ah inaan lala xiriirin karin dhaqaale xumidda Jabaan iyo walwalka laga qabo kharashaadka caafimaadka.
“Waxaa jira dad xun oo dhahaya dadka da’da ah ayaa khaldan laakiin sax ma aha,” ayaa laga soo xigtay wasiirka reer Jabaan.Waxa uu intaa raaciyay “Sida kale, dadka aan dhaleyn carruurta ayaa ka mas’uul mushkilada.”
Mr Aso ayaa ka hadlayay deegaanka laga soo doorto ee Fukuoka oo dhaca koonfur galbeed Jabaan.
Isniintii la soo dhaafay, waxa uu ka laabtay hadal uu jeediyay markii uu dhaleeceyn kala kulmay xubnaha xildhibaanada mucaaradka ah kuwaasi oo sheegay in hadalkiisa uu dhaawacayo quluubta lamaanayaasha reer Jabaan ee aan dhali karin carruur.
“Waxaan jeclahay inaan dib ula laabto faaladeyda islamarkaana aan ka fiirsado hadaladeyda maalmaha soo socda,” ayuu yiri wasiirka.
Sida laga soo xigtay wargeyska Asahi Shimbun ee dalkaasi, Mr Aso ayaa ammaanay da’da fog oo ay gaaraan dadka dalkiisa, waxaana uu xusay in Jabaan u baahan tahay isbadal bulsho oo ilaalinaya dhammaan jiilalka dalka.
Ma noqonayo wasiirkan kii ugu horreeyay ee loo jeediyo eedeyn uu ku dhaawacayo quluubta haweenka. Bishii May ee sannadkii 2018, xildhibaan katirsan xisbiga talada haya ayaa sheegay in haweenka Jabaan looga baahan yahay inay dhalaan carruur badan haddii kalana uu qaranka ka deyrin doono.
Heerka dhalashada Jabaan ayaa hoos u dhacday iyadoo gaartay halkii ugu hooseysay sannadkii 2018. Waxay tirada dadka hoos u dhacday 448 kun oo qofood.