Home / Arrimaha Bulshada / Jabaan: Xaaladaha rabshadaha guriga oo koror laga soo calaameeyay

Jabaan: Xaaladaha rabshadaha guriga oo koror laga soo calaameeyay

Himilo – Warbixin rasmi ah oo ka soo baxday Jabaan ayaa daaha ka qaaday in booliiska dalka uu diiwaan geliyay tiradii ugu badneyd ee xaaladaha rabshadaha guriga sannadkii 2019-ka.

Tani waxay ka dhigan tahay sannadkii 16aad oo xiriir ah oo koror laga soo calaameeyo rabshadaha guriga dalka dhaca Asia.

Sannadki tagay, 9161 xaalad oo ku qotoma rabshadaha guriga ayaa laga diiwaan geliyay, waa tiro ka badan inta diiwaanka lagu daray sannadkii 2018-ka.

Warbixinta dowladda Jabaan ayaa caddeysay in xaaladaha qaar ahaayeen tacaddiyo keenay dhimasho iyo dhaawacyo.

Rag iyo dumar intaba waxay kamid noqdeen dhibanayaasha rabshadaha guriga ee xaaladaha ay diiwaan gelisay dowladda Jabaan.

Dadka ku jira da’da soddomeeyada ayaa noqday kuwa ugu badan ee la kulma rabshadaha guriga dalka Jabaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan