Home / Dhaqaale / Jaban: Tirada shaqaalaha ajnabiga ah oo korortay

Jaban: Tirada shaqaalaha ajnabiga ah oo korortay

Himilo – Tirada dadka ajnabiga ah ee ka shaqeeya Jabaan ayaa lagu soo waramayaa inay korortay tan iyo bishii October ee tagtay.

Xoggo cusub oo soo baxay ayaa muujiyay in tirada shaqaalaha shisheeye ee Jabaan inay gaartay 1.6 Milyan qofood; waa koror ka badan 13.6% marka loo fiiriyo sannadkii hore.

Shirkado badan ayaa shaqaaleysiiyay shaqaalaha ajnabiga ah sabab la xiriirta awoodda shaqeysa ee dalka oo yaraatay iyada oo loo baahan yahay dhallinyaro firfircoon oo leh tamar xooggan.

Wasaaradda shaqada Jabaan ayaa u tiirisay kororka shaqaalaha ajnabiga ah siyaasadda xukuumadda ee lagu soo dhaweynayo shaqaalaha ajnabiga ee leh tayada loo baahan yahay.

Waxaa kale oo jirta in fursaddo shaqaaleysiin ah la siiyay ardayda ajnabiga ah ee wax ka barta jaamacadaha dalka dhaca bariga Asia.

Kororka shaqaalaha ajnabiga ah ee Jabaan ayaa lagu tilmaamay in uu yahay kii ugu sarreeyay tan iyo markii la bilaabay tirakoobyadda sannadkii 2008-dii.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan