Home / Habka-Nolosha / Jabbaan oo wajahaysa hoos u dhacii ugu weynaa ee tirada dadkeeda

Jabbaan oo wajahaysa hoos u dhacii ugu weynaa ee tirada dadkeeda

Himilo – Tirada dadka reer Jabbaan ayaa hoos u dhacday 898,000 qof sanad gudihiis illaa bishii Oktoobar 2024—tani waa hoos u dhacii ugu weyn ee abid diiwaanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kyodo.

Sanadkan ayaa noqday kii 14-aad oo xiriir ah oo ay hoos u dhacdo tirada dadka dalkan, iyadoo rikoodhkii hore ee hoos u dhaca uu ahaa 861,000 oo la diiwaangeliyay bishii Luulyo 2024.

Tirada guud ee dadka, oo ay ku jiraan ajaanibta, waxay ahayd 120.3 milyan, taasoo muujineysa in dalka uu wajahayo dhibaato dadeed oo kasii daraysa, iyadoo dadka da’da ah ay kor u kacayaan, dhalinyaraduna ay yaraanayso.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Isgaarsiinta ayaa sheegtay in kaliya Tokyo iyo gobolka deriska la ah ee Saitama ay kordhiyeen tirade dadkooda.

Bishii Juun 2024, Baarlamaanka Jabbaan wuxuu ansixiyay sharci lagu dhiirrigelinayo dhalashada, oo kor loogu qaadayo kaalmooyinka carruurta iyo fasaxyada waalidiinta.

Masuuliyiintu waxay ka digeen in muddada u dhaxeysa hadda illaa 2030 ay tahay fursad dahabi ah oo lagu joojin karo hoos u dhacaas tirada dadka.

Sababaha ugu waaweyn waxaa lagu sheegay daahidda guurka, amni darrada dhaqaale, iyo taageerada yaraanaysa ee loo hayo waalidiinta shaqeeya.

Heerka dhalmada ee Jabbaan sanadkii 2023 wuxuu hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii la bilaabay diiwaangelinta 1947.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan