Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo bahda fanku ula baxday magaca “Dhakhtarkii Jacaylka” ayaa jacayl darran oo marxalado kala duwan soo maray u qaaday fanaanadda Shankaroon Axmed Yuusuf Sagal.
Kaariye inuu jeclaa Shankaroon shaki kuma jirin oo waxay ahayd sheeko kooxaha fanka iyo dadkii ka agdhawaaba ay aad uga dharagsanaayeen, suugaantiisana ka dhex muuqatay, iyaduse inaysan jeclayn ayey u badnayd siday sheegayaan dadkii la saaxiibka ahaa.
Dedaal badan ka dib, Abwaan Maxamed Cali kaariye iyo Shankaroon ayaa sannadkii 1972-dii ku ballamay inay isguursadaan, isaga oo arrintaasi ay u noqonaysay naruuro iyo guul weyn oo noloshiisa saamayn ku yeelan doonta, ayaa war kale oo aan ka farxin isaga uu dhacay.
Maalin ayaa loo sheegay in subaxnimadii maalinkaasi ay Shankaroon u dhooftay dalka Sucuudiga, halkaasi oo lagu guursanaayo.
Galabnimadii ayaa arrintan loo wada fadhiistay, waxana wada tashi galay dad dhibta jacayl ee Abwaanka haysata aad uga war hayey, oo uu ka mid ahaa Xasan Diiriye Faarax, Xasan Aadan Samatar, Xuseen Aw Faarax Dubad iyo Mulaxamiste Xasan Sabriye, Xasan Gareed, goobtuna waxay ahayd guriga Maxamed Cali Kaariye.
Arintii ayaa la fallanqeeyey oo qofba wuxuu sheegay tallaabo uu u malaynayey inay haboon tahay in la qaado. Cabbaar ka dib ayuu Maxamed Cali Kaariye Musqusha guriga galay, isaga oo markaasi u sheegay asxaabtiisa kale inuu soo qubaysanayo.
Markii uu soo baxay isaga oo ku labisan macawiis iyo garan midabkiisu cadyahay, madaxiisa oo timo kor u taagan lahaana qoyaan ka muuqdo, ayuu soo istaagay meel albaab ah oo ku aadan halkii la fadhiyey .
Xuseen Aw Faarax ayuu ahaa qofkii u horeeyey ee arkay Maxamed inuu soo laabtay, intii uu maqnaa waxa madasha ku soo biirtay Maryan Mursal Ciise, Xuseen ayaa Xasan Gareed oo ag fadhiyey hadal dhegta ugu sheegay, waxanu ku yidhi “Ninkii Maxamed shucuurtiisa waxbaa ku soo kordhay oo ninku xaalkiisii wuuba ka sii daray”.
Maxamed oo aan hadlin ayaa soo fadhiistay meeshii, cabbaar kadib iyada oo sheeko kale ay bilaabeen bahdii fanka ee fadhiday ayuu kor u hadlay, waxanu si gaar ah uga codsaday labada Xasan ee Gareed iyo Samatar in erayo ku soo dhacay maskaxdiisa inay hees ka dhigaan oo Xasan Gareed laxameeyo, Xasan Aadana qaado, waxanu halkii ka akhriyey erayada heesta:
“Kuwa loogu magac daray
muuqa aan la kala garan
caku muhashadoodiyo
heesaha macaaniyo
muusiga iyo codkaa i dilay” .
Oo uu markaasi ula jeedo in Maryan Mursal oo aanu markii hore goobta ku ogayn ula eekaatay Shankaroon oo iyada sheekadeeda goobta lagu hayey, xoogaa kedibna wuxuu ku sii daray erayadan:
“Ma hayoo mana sugaayoo
Iimana maqnee”.
Oo iyana uu uga jeedo inuusan rajo ka qabin inuu Shankaroon dib u helo. Heestii halkii ayaa lagu laxameeyey, Samatarna uu ku qaaday, waxana lagu tumay Kaban/Cuud Xasan Diiriye lahaa oo goobta yaallay. Sidaas ayana ku timid qisada heestan.