Home / Deegaan / Jadev Payeng – Halgamaa Kaligiis beeray Keyn kamida Keymaha Hindiya!

Jadev Payeng – Halgamaa Kaligiis beeray Keyn kamida Keymaha Hindiya!

Himilo – Jadav Payeng oo ah nin ku jira da’aadda 50-meeyada, wuxuu tiir-dhexaad u noqday suura-gelinta keyn weyn in laga dhigo kob cidlo ah oo ku dhex taalla webiga Brahmaputra ee gobalka Assam, India.

Dadaalkiisa waxaa soo weriyay warbaahinta caalamka iyo dalxiisayaasha.

Mulai, oo ay Jadev ugu yeeraan dadka degaanka, wuxuu bilaabay inuu degaanka ka shaqeeyo sannadkii 1980-kii. Mashruuc ay waagaas soo saartay Waaxda Keymaha oo lagu doonayay in lagu beero geedo badan ayuu kamid noqday. Shan sano kaddib markii mashruucu uu soo idlaaday, dhammaan shaqaalihii way iskaga tageen marka laga reebo Mulai.

Jaceylka uu u qaaday dhirta ayaa ku qasabtay inuu kusii negaado si uu u daryeelo geedaha una abuuro kuwa kale oo badan. Mashruuca dhir-beerista oo awal loo qoondeeyey in lagu jaan-gooyo 200 hectares, wuxuu kaligiis kusii ballaariyay 550 hectares.

Marka loo eego Gunin Saikia, keynta uu Jadev beeray kaligiis waa midda ugu weyn caalamka oo ku taalla webi dhexdiis.

Markii la ogaaday juhdiga uu Jadev ku bixiyay sii wadista mashruuca, dowladda ayaa dib-u-eegis ku sameysay in lagu daro baaxadda keynta ilaa 1000 hectares.

Magaca reer Assamese ay ugu yeeraan keynta oo ah “Mulai Kathoni,” waxaa laga dhex heli karaa geedo kala duwan. Waxaana sidoo kale keyntu ay hoy u noqotay duur-joog fara badan oo isugu jira dugaag iyo ugaar labadaba.

Sannad kasta waxaa keynta soo booqda dalxiisayaal fara badan.

Mulai wuxuu la nool yahay reerkiisa oo ka kooban laba wiil, gabar iyo hooyadood. Wuxuu noloshiisa ka dabaraa iibinta caanaha lo’da.

Haddii hal qof oo kaliya uu ku guuleystay beerista keyn dhan, maxay kula tahay inaan sameyn karno innaga oo wadajir u howl-galna?!

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan