Home / Cayaaro / Jadon Sancho oo sii joogi kara Borussia Dortmund

Jadon Sancho oo sii joogi kara Borussia Dortmund

Himilo – Borussia Dortmund ayaa la soo warinayaa inay heysan karto cayaaryahanka Jadon Sancho illaa xagaaga kale.

Dhowrkii billood ee ugu danbeysay, laacibka oo ku jira bandhig wanaagsan ayaa si weyn loola xiriiriyay kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Chelsea.

19 jirka reer England ayaa dhaliyay 15 gool isaga oo caawiyay 16 kale horyaalka Bundesliga iyo Champions League, taasi oo ka dhigeysa in Borussia Dortmund ku dooneyso lacag ka badan £100 Milyan.

Si kasta, sida laga soo xigtay Ruhr Nachrichten, Sancho ayaa sii joogi kara kooxda reer Jarmalka 12 billood oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in laacibka uusan wali ku war gelin maamulka kooxda in uu doonayo isbadal cusub oo uu tijaabiyo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan