Home / Macluumaad / Jalaatada oo lala xariiriyay koriimada maskaxda.

Jalaatada oo lala xariiriyay koriimada maskaxda.

Daraasad uu sameeyay baare u dhashay dalka Jabaan ayaa ka farxisay dadka jecel Jalaatada ee aad u daneeya sida wargeyska DailyMail uu qoray.

Yoshihikow Koja, waa baare u dhashay  dalka Jabaan, baaritaan uu sameeyay ayaa tilmaamay in Jalaatada oo lagu afbilawdo aroortii in ay kordhinayso awoodaha maskaxeed ee qofka .

Waxaa kaloo daraasadda ay muujisay in Jalaatada ay ka dhigayso qofka qof aad u dagan oo jawaabaha uu bixinayo ay yihiin kuwa ku dhisan daganaan oo aan caadifad laheyn.

Mr Yoshihikow oo sidoo kale barre ka ah jaamacadda Korein ee ku taala magaalada Tokiyo ee dalka Jabaan ayaa baaritaankiisa u cuskaday laba koox oo uu u qeybiyay dadkii kala qeyb galay daraasadda.

Kooxda kowaad waxa ay ka koobneyd dad marka ay hurdada ka soo kacaanba ku afbilaaban jiray Jalaato halka kooxda kalana ay ahayd kuwa marka ay soo toosaan qaadan jiray quraacda caadiga ah.

Baaraha daraasadda wuxuu sheegay in dadkii ku af-bilawday Jalaatada ay maskaxdooda kortay halka kuwa kalana aan laga dareemin wax isbadal ah.

Ugu danbeyn, baaraha reer Jabaan, Yoshihikow, wuxuu qiray in ay muhiimad leedahay in la daba galo baaritaanka oo laga sal gaaro natiijadiisa.

 

W/T: Mahad Mohamed Ali

Wargeyska : Dailymail.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan