Himilo – Leicester City ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay heshiis cusub ka saxiixdo khadka dhexe ee kooxda James Maddison.
Leicester ayaa ku iibsatay cayaaryahanka lacag dhan £22.5 Milyan sannadkii 2018-ka, tan iyo xilligaasi waxa uu gacan ka geystay 13 gool 60 kulan oo katirsan horyaalka Ingiriiska.
Inkasta oo hadda lagu qiimeeyay laacibka adduun dhan £80 Milyan, haddana Manchester United ayaa la soo warinayaa inay heshiis sarreeya ku doonayso cayaaryahanka.
Si kasta, The Telegraph ayaa soo warinaysa in 23 jirka uu wadahadallo kula jiro Leicester si loo kordhiyo qandaraaska uu ku joogo King Power Stadium.
Waxay u muuqataa in cayaaryahanka iyo kooxdiisa ay kala qaadan doonaan heshiis cusub oo wakhti dheer ah si loo soo gabagabeeyo wararka iyo warbixinnada ku saabsan mustaqbalka James Maddison.