Home / Cayaaro / Jamie Redknapp oo ka hadlay labada koox ee ku tartami kara horyaalka Ingiriiska

Jamie Redknapp oo ka hadlay labada koox ee ku tartami kara horyaalka Ingiriiska

Himilo- Xiddigii hore ee Liverpool Jamie Redknapp ayaa sheegay in Manchester City ay weli tahay kooxda ugu weyn ee Jurgen Klopp ku cariirin karta marka ay timaado hanashada Horyaalka Premier League.

City ayaa 3-1 ku garaacday kooxda kaalinta labaad ee Leicester City Sabtidii si ay ugu dhaqaaqdo in ay 11 dhibcood ka hooseeyaan Liverpool, laakiin Reds ayaa gacanta ku heysata kulan baaqi u ah ka dib ku lug lahaanshaha Club World Cup.

In kasta oo Leicester ay wali fadhiso kaalinta labaad ee kala horeynta, Redknapp ayaa sheegay in kooxda difaacaneysa inay halis weyn ku tahay hanashada kooxda heysata Koobka Qaramada Yurub.

“Haddii ay jiri laheyd mucjiso oo ay Liverpool lumin laheyd hanashada horyaalka, waxaan weli u maleynayaa inay ka imaaneyso kaliya Manchester City” ayuu Redknapp u sheegay Sky Sports News.

Kooxda Pep Guardiola ayaa u xigi doonta kulanka kooxda Wolverhampton Wanderers 27ka Decembar.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan