Home / Habka-Nolosha / Jan Vertonghen: ‘Diyaar baan u ahay kulanka darbiga ee Waqooyiga London’

Jan Vertonghen: ‘Diyaar baan u ahay kulanka darbiga ee Waqooyiga London’

Muqdisho – Daafaca kooxda Tottenham Hotspur, Jan Vertonghen ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu qeyb weyn ka ciyaaro kulanka Sabtida ee North London derby oo ay la ciyaarayaan Arsenal.

30 jirkan ayaa ku dhibtooday dhaawac canqawga ah oo uu ku seegay kulankii ay guul-darrada kala kulmeen EFL-ka kooxda West Ham United, kahor inta uusan maqnaan ciyaaraha caalamiga ah, isaga oo  sidoo kale maqnaa kulankii Belgium 3-3 ay la galeen Mexico Isbuucii lasoo dhaafay.

Vertonghen ayaa dib ugu soo laabtay kulankii Japan ee habeenkii Talaadada, taas ayaana dhiira-galin buuxda u ah laacibkan si uu u ciyaaro  kulanka Arsenal ee todobaadka soo socda ka dhici doona Emirates Stadium.

Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, daafacan dhexe ayaa Sky Sports News, wuxuu kasoo xigtay isaga oo oranaya: “Haa, wax walwal ah kama qabo.”

“Labo todobaad ayaan la dhibtoonayey, waana sababta aana u ciyaareynin kulankii West Ham ee Carabao Cup, laakiin dhamaan waan wanaagsanahay, maanta waxaan dareemayaa wanaag, waxaan diyaar u ahay inaan ciyaaro isbuucan.”

Vertonghen ayaa 20 jeer u ciyaaray kooxdiisa iyo wadankiisa illaa 2017-18, isagoo 11 kulan saftay Premier League.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan