Home / Arrimaha Bulshada / Japan oo ciyaartoyda Muslimiinta Olombikada u diyaarinaysa Masjid guur-guura

Japan oo ciyaartoyda Muslimiinta Olombikada u diyaarinaysa Masjid guur-guura

Himilo – Cayaaraha Olombikada had iyo goor waxaa ka qeyb gala tiro badan oo ciyaaryahanno ah kuwaasi oo ka kala socda dalal kala geddisan.

Tan iyo markii qarniyo kahor uu ka billowday magaalada Athens, cayaarahan ayaa ahaa kuwa dadka mideynaya.

Japan ayaa hadda isku diyaarineysa dhacdada ugu weyn cayaaraha adduunka oo dhan, waxay hadda diyaariyeen masjid ka sameysan gaari oo lagu diyaariyay magaalada Tokyo, halkaasi oo ay xaadiri doonaan kumanaan ciyaartoy Muslimiin ah iyo taageerayaashooda, inta lagu guda jiro 2020 Tokyo Olympics iyo Paralympics, sida ay werisay  Reuters .

Cayaaraha Olombikada ayaa Tokyo ka furmi doono maalin Jimco ah oo ay taariikhdu tahay 24 July ee sannadkan halka la soo gabagabeyn doono Axad taariikhdu tahay 9- August 2020.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan