Himilo – Inta badan tuugada ayaa qaata badeeco ama qalab ku fadhiya qiimo qaali ah iyaga oo dejinaya qorshe maangal ah oo ay ku guuleysan karaan.
Waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay qiimeeyaan tuugada waa badeecada, halka ay taallo iyo midda ugu muhiimsan oo ah qiimaha ay ku fadhiso laakiin dalka Jarmalka waxaa laga soo wariyay sheeko ka geddisan.
Haweenay Jarmal ah ayaa ku kacday fal xatooyo ah oo warbaahinta dalka ku tilmaamtay mid layaab leh oo aan horay loo arag.
Warbaahinta Jarmalka ayaa qortay in haweenay 41 jir ah u dhacday dukaan lagu iibiyo shukaalatada oo ku yaalla magaalada Hamburg ee Jarmalka.
Wargeyska Stuttgart-Zeitung ayaa tilmaamay in haweenayda ka qaadatay dukaanka 120 xabbo oo shukaalato ah iyada oo kaashaneysa gaari nuuca xamuulka yar qaada.
Ficilka haweenayda ayaa la oggaaday markii ay u soo baxday bannaanka dukaanka iyada oo gacanta lagu dhigay. Qiimaha shukaalatada ayaa lagu sheegay 200 Euro.
Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Hamburg ayaa sheegay in aysan garan sababta ku riixday haweenayda ficilka xatooyada laakiin waxa uu xusay in uu baaritaan socdo.