Himilo FM –Dhacdo noqotay tii ugu horreysay ee nuuceeda ah, haweenay Jarmal ah ayaa dhashay carruur mataano ah oo ay u dhaxaysay 97 maalin.
Mataanaha ayaa noqday kuwii ugu horreeyay ee dhasha labo sanno oo kala duwan sida laga soo xigtay ilo warbaahineed.
Hooyada ayaa dhashay cunuggeeda koowaad bishii November ee sannadkii 2018 iyadoo dhaqaatiirta go’aamiyeen in qaliin lagu sameeyo si fursad loo siiyo cunugga labaad.
Bishii Febraayo ee sannadkan, hooyada ayaa mar kale la geeyay isbitaal iyadoo dhashay cunugga labaad. Mataanaha waxaa u dhaxaysay dhalashadooda muddo 97 maalin.
Mas’uul katirsan maamulka isbitaalka Holweide ayaa sheegay in dhacadada noqonayso tii ugu horreysay ee caafimaad ee la diiwaan geliyo.
Mataanaha ayaa jabiyay rikoor caalami ah oo ay dhigeen mataano kale oo dhalashadooda u dhaxaysay 87 maalin.