Home / Arrimaha Bulshada / Jarmalka oo culimada Muslimiinta dul-dhigay shuruud cusub

Jarmalka oo culimada Muslimiinta dul-dhigay shuruud cusub

Himilo- Xukuumadda Jarmalka ayaa go’aansaneysa in culimada Muslimiinta lagu xero shuruud ah inay yaqaanaan afka Jarmalka kahor inta aan loo oggolaan inay dalka soo galaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Jarmalka ayaa sheegtay in qorshahan uu culimada diinta ku biirinayo bulshadda islamarkaana uu horseedayo is-dhaxgal.

Golaha wasiiradda Jarmalka ayaa qabyo-qoraalka sharciga u gudbiyay baarlamaanka oo la filayo in uu cod u qaado.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xusay in culimada diinta looga baahan yahay inay leeyihiin fahan yar oo ku saabsan afka Jarmalka.

Inkastoo uu sharciga ku qotomo culimada diimaha kala duwan haddana waxaa la rumeysan yahay in uu bartilmaameysanayo Muslimiinta.

Sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jarmalka, marka culimada soo buuxiyaan shuruudda luqadeed ayaa la siinayaa oggolaansho deegaan.

Berlin ayaa u aragta sharciga mid abuuraya is-dhaxgal balse waxa uu imaanayaa xilli culimada Muslimiinta Jarmalka yihiin fara ku tiris.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan