Home / Macluumaad / Jarmalka oo ku guuleystay in uu kala furfuro bambooyin ka haray dagaalkii labaad ee dunida

Jarmalka oo ku guuleystay in uu kala furfuro bambooyin ka haray dagaalkii labaad ee dunida

Himilo – Maamulka Jarmalka ayaa ku guuleystay in uu kala furfuro labo bam oo ah haraadiga dagaalkii labaad ee dunida oo laga helay magaalada Dortmund ee galbeedka dalkaasi.

Kumanaan qofood ayaa laga daad gureeyay guryaha ku dhaw goobta sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Jarmalka.

Labada bam ayaa nuucooda lagu sheegay Ingiriis iyo Mareykan iyadoo culeyskooda uu noqday 250 kg. Markii hore, maamulka ayaa u qaatay inay heleen afar bam laakiin waxaa mar danbe u caddaatay inay yihiin labo.

Mas’uuliyiinta magaalada ayaa ka dalbaday ku dhawaad 14 kun qofood inay ka baxaan deegaanadooda si loo kala furfuro labada bam.

Waxaa kale oo la xeray xarunta tareenada iyada oo hawada sarre ee magaalada lagu arkayay diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca.

Kaddib muddo 75 sanno ah oo uu dhammaaday dagaalkii labaad ee dunida, waxaa wali dalka Jarmalka laga helayaa bambooyin aan qarxin oo ah haraadiga dagaalkaasi.

Marka loo baahdo in la furfuro bambooyinkaasi, waxay qaadataa wakhti badan si dadweynaha looga daad gureeyo goobta laga helay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan