Himilo FM –Wasiirka cadaaladda gobalka Hesse ee dalka Jarmalka Eva Kune Hermann ayaa taageertay in la ciqaabo waalidiinta carruurtooda ku qasba inay soomaan bisha Ramadaan.
Iyadoo la hadleysay wargeyska dalka Jarmalka ee Bild, wasiirka ayaa xustay in waalidiinta ku qasba carruura soonka inay khatar gelinayaan caafimaadka dhallaanka.
Waxay soo qaadatay wasiirka qoddobka 171aad ee sharciga ciqaabta Jarmalka oo dhigaya in la ciqaabo waalidiinta ku xad gudba ilaalinta carruurtooda. Waxay muteysan karaan seddex sanno oo xarig ah iyo ganaax.
“Qoddobkan kuma filna ilaalinta dhammeystiran ee carruurta iyo dhallinyarada,” ayay tiri Eva Kune.
Waxay intaa raacisay “Carruurta oo lagu qasbo soonka waxay khatar ku tahay caafimaadkooda.”
Inta badan dalalka Islaamka, carruurta ku dhaw qaangaarka ayaa iskood u jecleysta soonka bisha Ramadaan iyaga oo sii barta.