Himilo – Jasiiradda Corsica oo ku taal Faransiiska waxaa laga helay nooc cusub oo xayawaan ah. Waxaa la aaminsan yahay inay tahay bisad weyn, waxay u eg tahay dawacada, waxay iska shabahaan meelo badan sida dhogorta iyo saynta.
Khubarada waxay sheegeen dummadan laga shakiyay ay astaamo la wadaagto kuwa guryaha jooga balse ay ka duwan tahay muuqaalka sida dhegaha iyo ilkaha. Dadka degan Corsica waxay u yaqaanaan ghjattu-volpe. Xafiiska deegaanka ee duur-joogta waxa uu bilaabay baarid.
“Sheekooyinka jiilba uu jiil u gudbiyo, waxaan ka ogaanay sida bisadaha kaynta candhada uga weerari jireen idaha iyo riyaha,” sidaa waxaa AFP u sheegay Carlu-Antone.
Si kastaba saynisyahanada xafiiska ka shaqeynaya ayaa aaminsan in xayawaankan uu yahay mid cusub. Madaxa deegaanka ayaa AFP sidan u sheegay balse waxay saynis ahaan weli looga hubin, waxaa laga qaaday dheecaan DNA.
Mr Carlu-Antone waxa uu yiri bmukulaashanu eg dawacada waxay ku nooshahay deegaanada fog-fog ee jasiiradda halkaas oo laha helo biyo iyo dhirta ilaalisa. Baaryaasha ayaa rumeysan bisadan laga yaabo in beeralay ay keeneen jasiiradda ka hor dhalashadii Nabi Ciise (Cs) 6500.