Muqdisho – Sida lagu daabacay wargeyska Telegraph, Inta badan dadka booqashada ku yimaada New York waxay yaqaanaan Jasiiradda Manhattan, balse marnaba ma aysan maqlin jasiiradda yar ee ku taala waqooyiga Ameerika oo baaxad ahaan dhan garoon tennis.
Wargeysku waxa uu sheegay in jasiiraddu ay ku dhowdahay tuulada Alexandria Bay, islamarkaana loo yaqaan ‘Rum Island’ ama ‘jasiiradda Qolka’.
Jasiiraddaan waxa ku yaal guri qura, geed iyo xeeb yar, waana sababta loogu aqoonsaday jasiiradda ugu yar dunidaan.
1950 waxa iibsaday qoys hodan ah oo Seizeland ka soo jeeda, ka hor waxa la oran jiray Jasiiradaan “Hope Island”, cabirkeeda waxa lagu qiyaasaa 30,000 oo feet, una dhiganta ku dhawaat (2,500 mitir).
Waxa ku yaal guriga keliya oo ay dhisteen qoyskaan hodanka ah oo ay ugu tala galeen iney ku qaataan xilligooda nasiinnada.
Waxa xusid mudan in jasiiradani tahay mid ka mid ah 1864 jasiiradood oo ku yaala St. Lawrence River ee magaalada New York, Taas oo ka dhigaysa “jasiiradaha A”, oo dhaca sohdinta u dhexeeysa Kanada iyo Mareykanka.
Isha: Sky news Arabia