Himilo –Tababaraha Watford Javi Gracia wuxuu ku faraxsanaa inuu awoodo inuu siiyo Danny Welbeck markiisii ugu horreysay ku soo bilaabashadiisa Watford, laakiin wuxuu ogyahay in weeraryahanku uu weli u baahanyahay kusoo laabashada wakhtigisii ugu fiicnaa.
Gracia ayaa magacaabay xiddigii hore ee Arsenal ciyaartiisii ugu horreysay ee koobkii Carabao Cup ee ay ka horyimaadeen Coventry, wuxuuna dheelay 90 daqiiqo.
Waxay ahayd billowgiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu lugta ka jabay u ciyaaristii Gunners bishii November.
The Hornets waxay ku guuleysteen goolal ay kala dhaliyeen Ismaila Sarr, Daryl Janmaat iyo Adalberto Penaranda si ay u siiyaan guushoodii ugu horreysay.
“Wuxuu u baahan yahay inuu tartamo, wuxuu u baahan yahay inuu ciyaaro, aragtideyda ma ahan xaaladdiisa ugu fiican, waxa uuna u baahan yahay wakhti sida ciyaartoyda Roberto Pereyra iyo Sarr ,” ayuu Yiri Gracia