Home / Habka-Nolosha / Javier Mascherano oo lala xiriirinayo kooxdiisii hore ee Liverpool

Javier Mascherano oo lala xiriirinayo kooxdiisii hore ee Liverpool

Muqdisho – Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay dalab u dirtay daafaceedii hore ee Javier Mascherano, todobo sano ka dib markii uu markii uu u dhaqaaqay Barcelona.

33 jirkaan ayaa qandaraaskiisa uu Camp Nou ku joogo waxa uu ku egyahay sanadka 2019, laakiin waxaa lasoo sheegayaa inuu dhaqaaqayo marka uu furmo suuqa  sida ugu dhaqsaha badan xagaaga soo socda, iyadoo ciyaaryahanka uu dhawaan qirtay inuu Analys gareyn doono  xaaladiisa.

Sida laga soo xigtay wargeyska Diario Gol, xiddiga reer Argentine ayaa durbadiiba helay seddex dalab, oo uu ku jiro mid ka yimid  Reds, halkaas oo uu ku dhawaad 100 ka  saftay Premier League intii u dhaxeysay 2007 iyo 2010.

Wargeyska ayaa sheeganaya in Lionel Messi uu ku qanacsan yahay inuu ku fikirayo xiddigaan inuu durbadiiba go’aansado inuu baxo, islamarkaana uu raadsado koox uu ku biiro xagaaga soo socda, iyadoo Barca la sheegay inay diyaar u tahay inuu si xor ah uga tago.

Liverpool ayaana lagu soo waramayaa in ay ku soo biirtay tartanka loogu jiro Mascherano waxeyna kula soo biirtay kooxaha Paris Saint-Germain iyo kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan