Muqdisho – Gabriel Jesus ayaa sheegay inuu arkayo isku dhignaan ka dhaxaysa hannaan ciyaareedka fiican ee Manchester City ku hoos ciyaarayso maamulka macalin Guardiola iyo xulka Qaranka Brazil.
Jesus oo 20-jir ah ayaa 6 gool u dhaliyay kooxda 7dii kulan oo ay horyaalka PL ka ciyaartay – halkaas oo wiilasha Guardiola ay laba dhibcood ka sarreeyaan kooxda kula loolamaysa ee Manchester United.
Wuxuu hannaan fiican ku dhex yeeshay naadiga taniyo markii uu kaga soo biiray Palmeiras bishii January. 13 gool ayuu shabaqa ku hubsaday 17 kulan oo uu ciyaaray. Wuxuuna xiriir fiican la yeeshay Sergio Aguero.
Laba gool ayuu dhaliyay kulankii 7-2 ay kaga adkaadeen kooxda Stoke. Wuxuu tilmaamay in ciyaaraha Etihad ka dhacaya ay xusuusinayaan kuwii xulka Brazil lagu yiqiin.
“Mar kasta oo xulku natiijooyin fiican gaaro, kartida iyo tayada kooxda ayaa laba jibbaarmaysa,” ayuu ka yiri xulka Brazil. “Dabaal-deguna waa isku mid.”
Jesus ayaa si kastaba bilow fiican ku helay ciyaaraha horyaalka PL.