Jesus oo sheegay in City ay leedahay sifada ciyaareed ee xulka Brazil.

Muqdisho – Gabriel Jesus ayaa sheegay inuu arkayo isku dhignaan ka dhaxaysa hannaan ciyaareedka fiican ee Manchester City ku hoos ciyaarayso maamulka macalin Guardiola iyo xulka Qaranka Brazil.

Jesus oo 20-jir ah ayaa 6 gool u dhaliyay kooxda 7dii kulan oo ay horyaalka PL ka ciyaartay – halkaas oo wiilasha Guardiola ay laba dhibcood ka sarreeyaan kooxda kula loolamaysa ee Manchester United.

Wuxuu hannaan fiican ku dhex yeeshay naadiga taniyo markii uu kaga soo biiray Palmeiras bishii January. 13 gool ayuu shabaqa ku hubsaday 17 kulan oo uu ciyaaray. Wuxuuna xiriir fiican la yeeshay Sergio Aguero.

Laba gool ayuu dhaliyay kulankii 7-2 ay kaga adkaadeen kooxda Stoke. Wuxuu tilmaamay in ciyaaraha Etihad ka dhacaya ay xusuusinayaan kuwii xulka Brazil lagu yiqiin.

“Mar kasta oo xulku natiijooyin fiican gaaro, kartida iyo tayada kooxda ayaa laba jibbaarmaysa,” ayuu ka yiri xulka Brazil. “Dabaal-deguna waa isku mid.”

Jesus ayaa si kastaba bilow fiican ku helay ciyaaraha horyaalka PL.

 

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan