Himilo – Boqorada Ingiriiska ayaa lagu soo waramayaa inay argagax ka qaaday jiir ama dooli lagu arkay qasriga Buckingham taasi oo ku dhalisay carro xooggan.
Sida laga soo xigtay wargeyska The Sun, boqorada Ingiriiska ayaa dareentay argagax markii ay jiir ku aragtay qeybta kushiinka ama madbakha ee dhismaha.
Shaqaalaha qasriga boqortooyo ee Buckingham ayaa u yeeray ciidan gaar ah si loo xaliyo dhibaatada.
Warbixinada ayaa muujinaya in tababar hordhac ah la siiyay shaqaalaha oo lagu amray inay xeraan albaabada iyo dhammaan qeybaha kale ee madbakha.
Hay’ad fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay in dalka uu wajahayo duulaan uga imaanaya nuucyo gaar ah oo kamid ah jiirka oo iska caabiya sunta lagula dagaalamo.
Qasriga Buckingham ayaa ah xarunta rasmiga ah ee boqorada Ingiriiska, waxaana lagu tiriyaa goob lagu qabto kulamo muhiim ah iyadoo uu soo jiito dalxiisayaasha.