Home / Habka-Nolosha / John Terry oo door macallinimo loogu yaboohay

John Terry oo door macallinimo loogu yaboohay

Daafaca dhexe ee hogaamiya kooxda kubadda cagta Chelsea John Terry ayaa la filayaa inuu dhamaadka xagaagan isaga dhaqaaqo kooxdiisa.

Xiddigaan ayaa jooga gebagebada qandaraaskiisa Blues-na ma qorsheyneyso heshiis dheeri ah inay ka saxiixdo 35 jirkaan reer England.

The Mirror ayaa ku warameysa in laacibku uu xagaaga soo aadan leylin doono kooxda Denmark ka dhisan ee Brondby.

Brondby iminka waxay ku jirtaa booska afaraad ee  Danish SuperLiga, waxaana iska leh maalqabeenka Jan Bech Andersen oo saaxiib dhow ay yihiin Terry.

Brondby iminka si kumeel gaar ah waxaa u leyliya Aurelijus Skarbalius waxayna hiigsaneysaa inay xagaaga soo aadan ka dheesho tartanka Europe League.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan