Home / Caafimaad / Jon Vidler: 42 jirka dhimay kala bar miisaankiisa!

Jon Vidler: 42 jirka dhimay kala bar miisaankiisa!

Waxa uu ahaa mid kamid ah dadka ugu miisaanka culus ee la barto hase ahaatee markii uu dhimay kala bar buurnaantiisa ayuu ka waramayaa isbadalka ku yimid noloshiisa.

Jon Vidler ayaa kahor inta uusan dhimin miisaankiisa waxa uu ahaa culeyskiisa 215 kg sida laga soo xigtay wargeyska Mirror.

42 jirka ayaa qaatay qorshe uu ku yareynayo miisaankiisa isaga oo dhimay 133 kg. Hadda, waxaa lagu qiyaasayaa culeyskiisa 82 kg.

Guusha uu gaaray ayaa u suura gelinaysa in uu xerto nuuc kasta oo dhar cabbirkiisa ah iyadoo qaar kamid ah saaxiibbadiisa aysan garan karin.

“Waxaan nafteyda siiyay fursad labaad, waxaan doonayaa inaan xaqiijiyo wax badan oo aan ku waayay miisaanka culus,” ayuu yiri Vidler.

Jon kuma uusan istaagi karin cagahiisa daqiiqado badan sabab la xiriirta miisaankiisa culus laakiin hadda hammigiisa waa in uu sameystaa jaceyl.

Waxa uu ku biiray barnaamij caafimaad oo laysaga dhimo miisaanka iyadoo uu ku guuleystay in uu jaro kala bar culuyskii saarnaa. Jon ayaa sidoo kale ku fekeraya in uu koro buur ku taalla Wales.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan