Home / Cayaaro / Jorge Mendes “Ronaldo waa xiddigii ugu fiicnaa kubadda cagta abid.”

Jorge Mendes “Ronaldo waa xiddigii ugu fiicnaa kubadda cagta abid.”

Himilo- Cristiano Ronaldo waa midkii ugu fiicnaa taariikhda  kubadda cagta kaddib markii uu gaaray in la dhaliyo 700 gool sidaa waxaa yiri wakiilkiisa Jorge Mendes.

Waxa uu ku guuleystay 5 jeer oo Ballon d’Or, kaddib markii uu wax qabad la mahdiyay kusoo bandhigay koox iyo qaran, isaga oo xulkiisa u dhaliyay 95 gool.

Goolasha ugu badan xiddigan ee uu dhaliyay waxay yimaadeen intii uu joogay kooxaha Real Madrid oo uu dhaliyay 450 gool iyo Man Utd oo uu shabaqa u dhex dhigay 118 gool.

“Isagu waa midkii ugu xoogganaa, laacibkii ugu wacnaa kubadda cagta,” ayuu Mendes u sheegay Tuttosport.

“Xaqiiqdii Ronaldo waxa uu Portugal u ciyaaray seddex final laba kamid ahna waa uu la qaaday taasina waa caddeyn kale.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan