Home / Cayaaro / Jorginho oo qandaraaska u kordhin kara Chelsea

Jorginho oo qandaraaska u kordhin kara Chelsea

Himilo – Wakiilka khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in uu ka tagayo garoonka Stamford Bridge inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Juventus ayaa si weyn loola xiriiriyay 28 jirka iyada oo tababare Maurizio Sarri uu doonayo in uu kooxdii seddexaad uu macallin ugu noqdo laacibka.

Si kasta, marka la eego Joao Santos, kooxda heysata horyaalka Ingiriiska lama aysan xiriirin cayaaryahanka khadka dhexe oo la soo warinayo in uu qandaraaska u kordhin doono Chelsea.

Laacibka reer Talyaani ayaa loo badinayaa in uu qalinka ku duugi doono heshiis muddo kordhin ah oo uu u sameeyo kooxda tababare Frank Lampard.

Jorginho ayaa dhaliyay toddobo gool 37 kulan oo Chelsea ah intii lagu guda jiray xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan