Home / Habka-Nolosha / Jose Mourinho oo doonaya in uu 15 sano sii joogo Manchester United.

Jose Mourinho oo doonaya in uu 15 sano sii joogo Manchester United.

Jose Mourinho ayaa qiray in uu doonayo in uu  sii joogo Manchester United shan iyo tobanka isaga oo fahansan in ay adagtahay in uu macalin sidaa sameeyo .

Macalinkan Portuguese-ka u dhashay horay uma dhicin in uu koox joogo wax ka badan afar sano xagaagii la soo dhaafay ayuuna u soo dhaqaaqay Red Devils.

Sanadkiisii ugu horeeyay Mourinho ayaa United-ka ku hogaamiyay EFL Cup , Coumunataty Shild , iyo Europa League iyadoo kooxdu Champions League ku heshay in ay cayaarto xagaaga soo aadan guushii ay ku soo hantisay Europa League.

United ayaa ku guul daraysatay in ay kamid noqoto afarta kooxood ee ugu saraysa Premier League iyadoo  ku dhamaysatay booska lixaad ee kala saraynta .

“Taas diyaar ayaan u ahay,” ayuu Mourinho ku yiri ESPN.   “diyaar ayaan u ahay shan iyo tobanka sano ee soo aadan in aan halkaan sii joogo,”.

Tababare Jose ayaa qiray in ay tahay mid adag in sidaasi uu macalin sameeyo hayeeshee hadana waxa uu ku kalsoonyahay in wax waliba ay ku xirantahay qaabka uu u shaqeeyo.

United ayaa xagaagaan samaysay labo saxiix kuwaas oo kala ah Victor Lindelof oo ka yimid benfica iyo Romelu Lukaku oo uga soo biiray Everton.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan