Muqdisho – Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu heshiis cusub ka saxiixdo Marouane Fellaini iyo Marcus Rashford ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga furmin bisha Janaayo.
Tababaraha reer Portugal ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu hubiyo in ciyaartoyda kaliya ay diirada saaraan waxa ay u baahan yihiin inay garoonka ku qabtaan halkii ay ku mashquulsanaan lahaayeen xaaladahooda heshiiska.
Sida laga soo xigtay The Independent, mustaqbalka Fellaini iyo Rashford waa mudnaanta 1aad, halka ay jirto kalsooni sii kordheysa oo ah in Ander Herrera uu qalinka ku duugo heshiis cusub.
Fellaini waxa uu heystey naceyb badan afartii sano oo uu joogay Old Trafford, kuwaas oo intooda badan ka yimid taageerayaasha kooxda, laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa si aad ah waxaa u jecel Mourinho sababta oo ah awoodda uu u leeyahay inuu sameeyo qorshaha muhiimka ah ee macalinka.
Rashford wuxuu noqday mid si joogta ah ugu biiray kooxda koobaad tan iyo sanadkii 2015, isaga oo u saftay 49 kulan ilaa iyo haatan, dhaliyeyna 12 gool islamarkaana abuuray afar caawin.
Heshiisyo cusub ayaa la filayaa in loo soo bandhigo labada xidig ee Fellaini iyo Rashford, kuwaas oo qandaraaskoodu haatan dhacayo 2018 iyo 2020.
Qore: Hanaa Maxamud Maxamed.