Home / Habka-Nolosha / Jose Mourinho oo ku ilaalinaya Andreas Pereira Manchester United.

Jose Mourinho oo ku ilaalinaya Andreas Pereira Manchester United.

Muqdisho – Macalinka Manchester United, Jose Mourinho ayaa caddeeyay in uu doonayo sii heysashada ciyaaryahanka qadka dhexe ee Andreas Pereira.

Bilawga xagaagii dhamaaday ayuu xiddigan u baxay amaah isaga oo ku biiray kooxda dalka Spain ka dhisan ee Granada, Brazilian-kan ayaa u dhaliyay 5 gool 35 kulan oo uu ka soo muuqday La Liga-ha kooxda Granada.

21 jirkan ayaa la filayay in uu dib ugu laaban doono sanad kale oo amaah ah, laakiin sida ay sheegayso The Sun, Jose Mourinho ayaa diyaar u ah in uu xiddigan sii heysto isla markaana uu fursad siiyo sanadka soo aadan.

Hoggaamiyaha Portuguese-ka ayaa xiddigan siiyay fursado kulamadii ay kooxdu iskugu diyaarinaysay horyaalka bilaaban doona sanadkan, Pereira ayaana la’aaminsanyahay in fursadda ugu badan uu heli doono qeybta hore ee horyaalka.

Pereira ayaa horay u sheegay in uu doonayo inuu u dagaallamo boos joogta ah hayeeshee laacibkan ayaa kadib ka soo bixida xerada wax soo saarka u baxay amaah.

Jose Mourinho ayaa doonaya in uu sameeyo labo saxiix oo aad loo qiimeeyo ka hor inta aan la soo gaba-gabeyn suuqa kala iibsiga, Nemanja Matic ayaa hadda qarka u saaran in uu usoo rogto Old Trafford, iyada oo laga war sugi doono xiddigaha kale ee bartilmaameedka u ah tababare Jose.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan