Jose Mourinho oo lagu wado inuu dib ugu laabto Real Madrid, iyadoo Casillas uu ka hor yimid

Himilo – Tababare Jose Mourinho ayaa la sheegay inuu heshiis hordhac ah la gaaray Real Madrid si uu dib ugu noqdo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedka 2025-2026. Wararka ayaa sheegaya in kooxda reer Spain ay toddobaadka soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqi karto heshiiska.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan ku dhammaaneysa iyadoo aan wax koob ah ku guuleysan, markii ay ku guuldarreysatay tartamada Copa del Rey iyo UEFA Champions League, sidoo kalena aysan la tartami karin FC Barcelona horyaalka La Liga. Guuldarradii 2-0 ahayd ee El Clasico ayaa Real Madrid ka dhigtay inay 14 dhibcood ka dambeyso Barcelona iyadoo saddex kulan oo keliya ay harsan yihiin.

Saxafiga Sacha Tavolieri ayaa sheegay in Mourinho uu aqbalay inuu ku laabto garoonka Santiago Bernabeu, si uu u beddelo Alvaro Arbeloa xilli ciyaareedka 2026-2027. Mourinho ayaa horay Real Madrid u soo tababaray intii u dhexeysay 2010 ilaa 2013, isagoo kooxda la qaaday saddex koob, oo uu ku jiro horyaalkii La Liga ee 2011-2012.

Si kastaba, halyeeyga kooxda Iker Casillas ayaa si cad uga soo horjeestay in Mourinho dib loogu soo celiyo kooxda. Casillas, oo hoos tagi jiray Mourinho, ayaa kursiga keydka la geliyay sanadkii 2012, arrintaas oo abuurtay khilaaf weyn xilligaas.

Mourinho ayaa tan iyo markii uu ka tagay Real Madrid soo maamulay kooxo ay ka mid yihiin Chelsea FC, Manchester United, Tottenham Hotspur, AS Roma, Fenerbahce iyo Benfica. Inkastoo sumcaddiisa tababarenimo hoos u dhacday sanadihii dambe, haddana waxaa la sheegay in madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez, uu weli taageero weyn u hayo tababaraha reer Portugal.

error: Copy lama Ogola Fadlan