Himilo- Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay gudoomiyaha Tottenham Hotspur Daniel Levy in Harry Kane aan loo ogolaan doonin inuu ka tago kooxda xagaaga soo aadan.
56 jirka, ka dib ku dhawaad hal sanno oo uu ka maqnaa maamulka, waxaa loo magacaabay tababaraha Spurs arbacadii ka dib ceyrintii Mauricio Pochettino.
Waxaa la sheegaa in Mourinho, inta lagu guda jiray tababarkiisii ugu horeysay ee Anfield, uu si gaar ah ula hadlay Kane.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Mourinho ayaa u sheegay Levy in Kane uu qeyb muhiim ah ka yahay qorshihiisa isla markaana aysan qasab ku aheyn iibkiisa xaalad kasta oo jirta.
Qaar ayaa soo qaatay in Kane uu raadinayo daaq cusub xagaagii si uu u sii wado ku guuleysiga koobab.
Kane, oo lix gool ka dhaliyay Premier League xilli ciyaareedkan, ayaa dhawaan qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kusii joogayo kooxda ka dhisan waqooyiga London ilaa iyo sanadka 2024.