Home / Cayaaro / Jose Mourinho “Uma baahnin saxiixyo bisha Janaayo.”

Jose Mourinho “Uma baahnin saxiixyo bisha Janaayo.”

Himilo- Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuusan u baahneyn la soo wareegeegida xidigo bisha Janaayo.

Tababaraha reer Portugal ayaa ku hogaamiyay Spurs afar guul shan kulan oo Premier League ah tan iyo markii uu bedelay Mauricio Pochettino hal bil ka hor.

Kooxda ka dhisan London ayaa lala xiriiriyay tiro ciyaartooy ah ka hor suuqa kala iibsiga ee jiilaalka, laakiin Mourinho ayaa aad ugu faraxsan inuu kormeerayo bisha aamusnaanta ee Tottenham Hotspur Stadium.

“Waan Ku raaxaystay  maxaa yeelay waxaan helay kooxdan sidii aan filayay,” ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports News. Waxaan rajeynayaa in wax layga weydiiyo Daniel Levy oo leh waxaan qorsheyneynin inaan lacag badan qarash gareyno, dadkana waxay isweydiinayaan hadii aan xanaaqsanahay.

Taasi miyey iga xanaajin doontaa? Maya. Waan ogaa,Wuxuu ii sheegay Wax walba inay cadahay, wax qarsoon kuma jiraan qorshayaasha kooxda, taasina waa wax aan ku faraxsanahay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan