Home / Habka-Nolosha / Jose Mourinho: ‘Victor Lindelof wuxuu u baahan yahay waqti uu kooxda kula qabsado.”

Jose Mourinho: ‘Victor Lindelof wuxuu u baahan yahay waqti uu kooxda kula qabsado.”

Muqdisho – Jose Mourinho ayaa sheegay in ciyaaryahanka kooxda, Victor Lindelof uu u baahan yahay waqti si uu ula qabsado Manchester United.

Sweden-kan difaaca ka ciyaara ayaa lacag dhan £30.7 milyan  xagaagan  lagala soo saxiixday kooxda Benfica, hayeeshe laguma qancin bandhigiisa kulankii toddobaadkii lasoo dhaafay  ee UEFA Super Cup ee ay qasaarada kala kulmeen  Real Madrid markii la joogay Macedonia.

Man United ayaa ku bilowday xagaaga 2017-18 ee Premier League guul  4-0 ah oo ay ka gaareen kooxda West Ham United, galinkii danbe ee Axadda.

Romelu Lukaku iyo Nemanja Matic oo ah ciyaartoy ku cusub kooxda ayaa kamid ahaa kulanka, hayeeshe  Lindelof ayaa ku dhameystay kursiga keydka.

Mourinho ayaa u sheegay Sky Sports News: “Waxaan filayaa in kulankii Real Madrid uu u ahaa kiisa koobaad, wuu ciyaaray maxaa yeelay  (Phil) Jones iyo (Eric) Bailly labaduba wey ganaaxnaayeen.”

“Farqiga uu kaga duwan yahay Lukaku iyo Matic iyagu waxa ay heysteen sanado qibrad leh oo ay joogeen Premier League,” ayuu kusii daray.

Lindelof waxa uuu dhammaan u saftay kooxda Benfica, 73 kulan, wuxuuna kusoo guuleystay 12 koob.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan