Jose Mourinho: ‘Victor Lindelof wuxuu u baahan yahay waqti uu kooxda kula qabsado.”

Muqdisho – Jose Mourinho ayaa sheegay in ciyaaryahanka kooxda, Victor Lindelof uu u baahan yahay waqti si uu ula qabsado Manchester United.

Sweden-kan difaaca ka ciyaara ayaa lacag dhan £30.7 milyan  xagaagan  lagala soo saxiixday kooxda Benfica, hayeeshe laguma qancin bandhigiisa kulankii toddobaadkii lasoo dhaafay  ee UEFA Super Cup ee ay qasaarada kala kulmeen  Real Madrid markii la joogay Macedonia.

Man United ayaa ku bilowday xagaaga 2017-18 ee Premier League guul  4-0 ah oo ay ka gaareen kooxda West Ham United, galinkii danbe ee Axadda.

Romelu Lukaku iyo Nemanja Matic oo ah ciyaartoy ku cusub kooxda ayaa kamid ahaa kulanka, hayeeshe  Lindelof ayaa ku dhameystay kursiga keydka.

Mourinho ayaa u sheegay Sky Sports News: “Waxaan filayaa in kulankii Real Madrid uu u ahaa kiisa koobaad, wuu ciyaaray maxaa yeelay  (Phil) Jones iyo (Eric) Bailly labaduba wey ganaaxnaayeen.”

“Farqiga uu kaga duwan yahay Lukaku iyo Matic iyagu waxa ay heysteen sanado qibrad leh oo ay joogeen Premier League,” ayuu kusii daray.

Lindelof waxa uuu dhammaan u saftay kooxda Benfica, 73 kulan, wuxuuna kusoo guuleystay 12 koob.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan