Home / Cayaaro / Josep Maria Bartomeu oo ku kalsoon in Messi uu sii joogayo Barcelona

Josep Maria Bartomeu oo ku kalsoon in Messi uu sii joogayo Barcelona

Himilo – Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Lionel Messi uu ka tagayo garoonka Camp Nou dhammaadka xilli cayaareedka.

Cayaaryahanka qaranka Argentine ayaa dhawaan la soo wariyay in uu diidan yahay kordhinta qandaraaskiisa kooxda reer Catalan wixii ka danbeeya 2021-ka.

Messi ayaa dhowr jeer ka xummaaday dhacdooyin ka baxsan garoonka oo lala xiriiriyay hab-dhaqanka Bartomeu.

Si kasta, Bartomeu ayaa ku kalsoon in 33 jirka – oo dhaliyay goolkiisii 700aad toddobaadkii hore- in uu sii joogi doono Barcelona sannado kale.

Manchester City iyo Juventus ayaa kamid ah kooxaha doonaya inay u dhaqaaqaan laacibka haddii uu go’aansado in uu ka tagayo Barcelona.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan