Himilo- Weeraryahankii hore ee kooxda Tottenham Hotspur Jurgen Klinsmann ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu beddelo Mauricio Pochettino si uu macallin u noqdo haddii ninka reer Argentina uu go’aansado inuu ka tago kooxda reer London.
Mustaqbalka Pochettino ee kooxda Tottenham Hotspur Stadium ayaa la rumeysan yahay inay aad uga fogtahay hubantida ka dib billowga adag ee ololaha 2019-20.
Real Madrid iyo Manchester United ayaa labadaba la sheegay inay si dhaw isha ugu hayaan xaaladda iyadoo macallinka reer Argentina uu u muuqdo inuu sii kordhiyo jahwareerka nolosha caasimadda.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Klinsmann ayaa xiiseynaya inuu noqdo tababaraha kooxdiisii hore haddii fursadaasi ay iman laheyd isbuucyada soo socda.
Xiddiga reer Jarmal, kaasoo 29 gool u dhaliyay Tottenham intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 1994-95 ka hor inta uusan ku soo laaban laba sanno ka dib, ma uusan maamulin koox tan iyo markii uu ka tagay xulka qaranka USA sannadkii 2016.
55 jirkan ayaa mustaqbalkiisa tababarenimo ka bilaabay dalka Jarmalka – halkaas oo uu ku qaatay laba sanno – ka hor inta uusan la wareegin kooxda Bayern Munich intii u dhexeysay ololaha 2008-09 ka hor inta uusan shan sanno xiriir la yeelan Mareykanka.