Jurgen Klopp oo doonaya inuu Dejan Lovren ku sii hayo Liverpool

Himilo -Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa doonaya  inuu Dejan Lovren ku sii hayo xagaagan kooxda  sabab la xiriirta tayada hoggaaminta xulka Croatia.

Lovren ayaa ka dambeeya Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip marka ay timaado daafaca dambeedka dhexe ee Anfield.

AC Milan ayaa si weyn loola xiriirinayay 30 jirkan, kaasoo door muhiim ah ka ciyaaray Croatia isagoo gaaray finalkii koobka adduunka 2018-kii.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Calciomercato, Klopp ayaa go ‘aansaday inuu daafac dhexe sii joogo naadiga isagoo ka eegaya bandhigii xulkiisa.

Ciyaaryahankii hore ee da’yaraha Dinamo Zagreb ayaa 170 kulan u saftay Reds tan iyo markii uu ka yimid Southampton 2014-kii  isagoo 7 gool dhaliyay.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca ayaa keliya 18 kulan u saftay xilli ciyaareedka 2018-19, keliya 13 ka mid ah kuwaas  ayuu ka ciyaaray horyaalka Premier League.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan