Muqdisho – 30 jirkan Faransiiska u dhashay ayaa rajaynaya in uu soo gabagabeeyo waayhiisa Horyaaka Ligue 1, wax ka badan 300 oo kulan uu u saftay kooxda Faransiiska ayaana soo dhamaan doona dhawaan, sida ay wararku sheegayaan.
Sida ay fahamsan tahay Goal, Juventus ayaa la gaartay heshiis kooxda Paris Saint-Germain si ay ula wareegto burburiyaha Blaise Matuidi.
Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa lala xariiniyay xiddigan madow toddobaadyadii lasoo dhaafay, hayeeshe sida ay wararku sheegayaan raacahan ayaa €20 million oo lacagta Ingriiska ah ugu soo wareegi doona Juventus.
Labada kooxood ayaa isku af-gartay in laacibkan uu u guuro Talyaaniga isla markaana uu qeyb ka noqdo safka kooxda Marwada Duqda, €20 million ayuuna kaga bixi doona albaabka Paris Saint-Germain – €5m oo dheeraad ah ayaana la socon doonta heshiiska.
Sida ay wararku sheegayaan, ciyaaryahankan ayaa hadda ku sugan Turin, tIjaabada caafimaadka ayuuna halkaas ku mari doona, kadibna maalinta Khamiista ah ayaa lasoo bandhigi doona.
30 jirkan ayaa kasoo muuqan kara kulanka koobaad ee furitaanka horyaalka, kooxda Max Allegri oo difaacaneysa horyaalka ay Sabtiga wajihi doonto kooxda Cagliari.
Laacibkan ayaa ku biiray kooxda PSG sanadkii 2011, tan iyo markaa waxa uu qeyb ka ahaa safka koobaad ee kooxda, isaga oo sameeyay 300 safasho waqtigaas gaaban ee uu joogo kooxda.
Wuxuu noqon doonaa xiddigii 6-aad ee xagaagan ku biira kooxda Juventus kaddib Rodrigo Bentancur, Douglas Costa, Wojciech Szczesny, Mattia De Sciglio iyo Federico Bernardeschi oo kaga horreeyay kooxda.
Juve ayaa guul-darro 3-2 ah kala kulantay Lazio kulan ka tirsan horyaalka Talyaaniga Isbuucii lasoo dhaafay, taas oo la sheegay in ay keentay heshiiskan in ay dadajiso.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.