Home / Habka-Nolosha / Juventus oo adduun dhan £22.5m Liverpool kaga doonaysa Emre Can

Juventus oo adduun dhan £22.5m Liverpool kaga doonaysa Emre Can

Muqdisho – Juventus ayay wararku sheegayaan inay dalab £22.5 milyan ah ay ka geysay ciyaaryahanka kooxda Reds, Emre Can.

Wararkii la heleyay horraantii suuqa ayaa warinayay in laacibkan heerka caalami ee reer Jarmal uu hoos u dhigayo u dhaqaaqidda kooxda Talyaaniga si uu heshiiska ugu sii dheereeyo kooxdiisa Liverpool.

Hayeeshe wararka hadda soo baxay ayaa tibaaxaya in kooxda Liverpool ay qudheedu doonayso in ay iibiso ciyaaryahankan kahor inta uusan dhamaan qandaraaska uu kula joogo kooxda isla markaana uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Sida ay warinayso Corriere dello Sport, kooxda lagu naanayso Marwada Duqda ee  Juventus ayaa rajeynaysa in Liverpool ay u oggolaan doonto in ay ka iibiso 23 jirkan.

Emre Can ayaa Reds kaga soo biiray kooxda Bayer Leverkusen sanadkii 2014.

Xagaagii lasoo dhaafay waxa uu kulamada Premier League kusoo bilawday 26 kulan, kursiga keydkana lix jeer.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan