Juventus oo diiradda saaraysa keenidda tababare Jurgen Klopp

Himilo FM – Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp in uu yahay beddelka macquulka ah ee Massimiliano Allegri.

Waxaa jirta talo soo jeedin tan iyo billowgii sannadkan 2019-ka,  Allegri ayaa laga yaabaa in uu go’aansado ka tegista Juventus xagaagan, waxaana ay keentay in kooxda Talyaaniga ay baadi goob u gasho beddelkiisa.

Halyaygii kooxda Zinedine Zidane ayaa ah dooqa koowad laakiin sida laga soo xigtay Tuttosport, Juventus ayaa u muuqata inay dooneyso Klopp si ay u keento dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayay u badneyn in uu soo dhaweynayo hadaladan ka hor xagaaga laakiin tababaraha  reer Jarmal ayaa la sheegay in uu uusan diiradda saari doonin sheekooyinkan maadama kooxdiisa ay dagaal adag kula jirto Man City fasal ciyaareedkan.

51 jirkan ayaan wali koob kula guuleysan kooxda Anfield ku ciyaarta laakiin waxa uu gaaray 105 guul iyo 36 guul darro 192 kulan oo uu maamulay kooxda reer Merseyside.

Maxamed Xasan “Owen”

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan