Home / Cayaaro / Juventus oo isha ku heysa xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Willian

Juventus oo isha ku heysa xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Willian

Himilo- Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Willian inuu yahay saxiix macquul ah xagaaga.

Kubadsameeyaha ayaa ku riyaaqay guulo wax ku ool ah oo lix sano oo uu ku qaatay Stamford Bridge, isagoo 298 kulan u saftay tartamada oo dhan wuxuuna awooday inuu hantiyo labo horyaal oo Premier League ah iyo Europa League oo ka mid ah koobabkii uu ku guuleystay intii uu kooxda joogay.

Sikastaba, in kastoo 31-sano jirka uu wali si joogto ah u yahay safka koobaad, waxaa hadda in ka yar 12 bilood uga harsan yahay qandaraaskiisa.

Sida laga soo xigtay Tuttosport, taasi waxay horseeday inay Juventus kormeeraan xaalada, iyagoo ka warqaba inay suurtogal tahay inay heshiis la galaan Willian isla marka la gaaro bisha Janaayo.

Juventus ayaa lasoo warinayaa inay awoodi karto inay u dhaqaaqdo xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan