Muqdisho – Liverpool ayaa tartan kala kulmeysa kooxda Talyaaniga ah ee Juventus waxeyna kula soo biirtay doonista xiddiga kooxdas ee Virgil van Dijk, sida ay wararku sheegayan.
26 jirkan ayaa horraanba kooxda ku ciyaarta St Mary’s Stadium farta ka saaray waraaq codsi ah oo ahayd in la fasaxo, kadib markii uu laacibkan dalabyo is xig-xigay ka helay kooxda Reds.
Kadib markii lagu eedeeyay in ay si sharci-darro ah ay u dhaqantay bishii June, Liverpool ayaa gaabisay doonisteedii dardarta ku socotay ee laacibkan, hayeeshee waxaa la aaminsan yahay in ay wali xiisaynaan xiddigan reer Dutch.
Gazette dello Sport ayaa sheegeysa in kooxda Juve ay indhaha ku heyso laacibkii hore ee kooxda Celtic, waxeyna suuqa kaga baahan yihiin ciyaaryahan ka ciyaara difaaca dhexe.
Southampton ayaa ku kalsoon in ciyaaryahankan uusan ka tagi doonin isla markaana aysan iibin doonin Van Dijk labada toddobaad ee soo socota, heshiiska uu kula jooga kooxda waxaa hadda kaga dhiman shan sano.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.