Home / Cayaaro / Juventus oo Man United kula tartameysa khad dhexe katirsan Valencia

Juventus oo Man United kula tartameysa khad dhexe katirsan Valencia

Himilo – Manchester United ayaa tartan xooggan kala kulmeysa Juventus oo dooneysa saxiixa cayaaryahanka khadka dhexe ee Ferran Torres.

Inkasta oo laacibka uu muhiim ka yahay Mestalla haddana 20 jirka ayaa keliya heysta qandaraas muddo 12 billood ah taasi oo keentay wararka la xiriira mustaqbalkiisa.

Isniintii shalay, waxaa la tilmaamay wakiilka cayaaryahanka uu xiriir la sameeyay saraakiil katirsan Man United si looga hadlo suurtagalnimada heshiis. Si kasta, sida laga soo xigtay Onda Cero, Juventus ayaa ku jirta billowga wadahadallo ku saabsan Torres.

Torres ayaa dhaliyay lix gool isaga oo caawiyay lix kale horyaalka La Liga iyo Champions League xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan