Home / Cayaaro / Juventus oo qorsheyneysa inay heshiis kala badalasho ah ku soo qaadato Salah

Juventus oo qorsheyneysa inay heshiis kala badalasho ah ku soo qaadato Salah

Himilo FM –Juventus ayaa ka fiirsaneyso suurta galnimada heshiiska ay ku doonayso isdhaafsi laacibiinta magaca wayn ee Paulo Dybala si loogu diro  Liverpool islamarkaana  ay ku helaan Mohamed Salah.

Kooxda ka dhisan Serie A ayaa la fahamsan yahay inay Salah ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda diirada u saaran  ee ay ku riyoonayso xagaaga suuqa kala iibsiga, iyadoo wararka la isla dhexmarayo ay soo jeedinayaan inay dalab 175 milyan oo ginni ay ka gudbin karaan xiddiga garabka uga ciyaara Qaranka masar.

Si kastaba ha ahaatee, Tuttosport ayaa sheegtay inay doonayaan inay hoos u dhigto dhaqaalaheeda  iyagoo doonaya in ay iskugu daraan Dybala iyo lacag kaash ah.

Liverpool ayaan loo maleyneynin inay ka fekereyso iiibka xiddigeeda, kaasoo 64 gool u dhaliyay 86 kulan oo uu u saftay kooxda, laakiin Juve ayaa rajeyneysa inay tijaabiso go’aankeeda 43.9 milyan oo ginni oo lagu daray  Dybala oo u dhaqaaqa Anfield.

Kooxda ka dhisan Talyaaniga ayaa dhawaan sheegtay in keliya Lionel Messi ama Neymar ay bedeli karaan Dybala, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo Salah imaatinka kooxda, waxaana weeraryahanka Liverpool uu aadi karaa halkaas haddii Dybala uu baxo.

Xiddiga reer Argentine ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Manchester United iyo Real Madrid.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan