Himilo- Tababaraha kooxda Juventus Maurizio Sarri ayaa lagu soo waramayaa inuu ku booriyay kooxdiisu inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante.
Sarri ayaa la soo shaqeeyay ninka reer France intii lagu jiray ololihii 2019-20, iyadoo xiddigii hore ee khadka dhexe ee Leicester City loo dhiibay doorka weerarka intii uu macalin u ahaa tababarihii Talyaaniga ee Stamford Bridge
Juve ayaa horumar ka sameysay qadka dhexe xilli ciyaareedka iyagoo la saxiixday sida Aaron Ramsey iyo Adrien Rabiot xagaagii – labadoodaba waxay ku yimaadeen kooxda heysata horyaalka Talyaaniga si xor ah.
Sikastaba, sida laga soo xigtay Daily Mail, Sarri wuxuu go’aansanayaa inuu Kante keeno Turin xagaaga soo socda, waxaana durba la xiriiray gudoomiye ku xigeenka Pavel Nedved.
Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Juve ay aaminsan tahay in £ 70m ay ku filnaan karto inay ka dhaadhiciso Chelsea inay kaga iibiso, kooxda ka dhisan Serie A ayaana diyaar u ah inay lacagtaas ku qarash gareyso xidiga ku guuleysiga Koobka Adduunka 2018.
Kante wuxuu ka caawiyay Leicester hanashada Horyaalka Premier League ee 2015-16 ka hor inta uusan ku biirin Blues, oo uu wakiil u ahaa 146 jeer afartii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.