Home / Cayaaro / Juventus oo u bandhigaysa Dybala iyo Alex Sandro Manchester United

Juventus oo u bandhigaysa Dybala iyo Alex Sandro Manchester United

Himilo FM-Juventus ayaa Paulo Dybala iyo Alex Sandro u soo bandhigi doonta Manchester United si ay ugala soo saxiixdaan Paul Pogba.

Pogba ayaa isha ku haya inuu ka tago United xagaagan, waxaana uu u furan yahay inuu ku biiro Real Madrid halkaas oo uu doonayo inuu qeyb ka noqdo kooxda Zinedine Zidane ee dib u dhiska garoonka Santiago Bernabe lagu samaynayo .

Laakiin Juve ayaa sidoo kale dooneysa inay dib ula soo saxiixato Pogba, waxaana ay diyaar u yihiin inay dalab weyn u keenaan si ciyaaryahanka khadka dhexe ay dib ugu soo celiyaan Turin.

Sida ay ku warameyso Sunday Express, Juve ayaa diyaar u ah inay Dybala iyo Sandro u soo bandhigto United si uu ugu soo laabto Koobka Adduunka France ninka la hantiyay.

United ayaa horay u muujisay xiisaha ay u qabto saxiixa Dybala, kaasoo lala xiriirinayey inuu ka tagayo Juve muddo bilo ah.

Dybala walaalkiis oo ah wakiilkiisa ayaa sheegay in ciyaaryahanka reer Argentine uu doonayo inuu ka tago Juve xagaagaan.

Laakiin jimcihii, Dybala ayaa ku adkeysanaya inuu doonayo inuu sii joogo kooxda heysata horyaalka Talyaaniga xili ciyaareed kale.

Dhanka kale , Sandro, ayaa si joogta ah loola xiriirinayay labada koox ee United iyo Chelsea.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Italy bishii hore, Juve waxay u furan tahay inay aqbasho 44 milyan oo ginni daafaca reer Brazil uu ku baxayo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan