Himilo FM –Danbeedka biddix ee kooxda Real Madrid Marcelo ayaa ah dooqa koowaad ee kooxda horyaalnimada Taliyaaniga Juventus kuwaasi oo ku doonaya £40m, sida ay ku waramayaan warbixinada.
Laacibkan ayaa muddo dheer joogay caasimadda Madrid isaga oo Bernabeu ku kharash garreeyay 12 sanno, waxaana la aaminsan yahay in xiddigan uu ka hayaami karo Real Madrid inta lagu guda jiro xagaagan.
Marcelo ayaa si joogta ah uga dhex muuqday kooxda Santiago Solari, sida ay ku warameyso Tuttosport Los Blancos oo dooneyso inay lacag caddaan ah ka hesho heshiiska.
Juve ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay ku bixiso xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil 10.5 Milyan oo ginni si uu ugu biiro kooxda ka dhisan horyaalka Italy.
Marcelo, oo qandaraaska uu kula joogo Real Madrid uu dhacayo 2022, ayaa heli doona fursad uu kula midoobo saaxiibkiisii hore Cristiano Ronaldo haddii uu ku biiro Turin.