Home / Cayaaro / Juventus oo u dhaqaaqeysa khad dhexe katirsan Roma

Juventus oo u dhaqaaqeysa khad dhexe katirsan Roma

Himilo- Kooxda Juventus ayaa isku diyaarineyso qorshe cusub oo ay kula soo wareegeyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee AS Roma Nicolo Zaniolo.

20-sano jirkan ayaa si dhaqso leh u dhisay naftiisa waana  mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee Stadio Olimpico, isagoo dhaliyay shan gool labo kalena caawiye ka ahaa 15 kulan oo Serie A  iyo Europa League xilli ciyaareedkan.

Sikastaba, horumarka heerka caalami eexidiga  xulka talyaaniga ayaa keentay inuu xiiso ka helo kooxo badan oo yurub ka dhisan, oo ay ku jiraan kooxda Juventus oo la sheegay inay ka fikirayaan inay ciyaaryahano dheeri ah ku daraan safkooda .

Sida laga soo xigtay Calciomercato, kooxda heysata horyaalka ayaa diyaar u ah inay dalab 35 milyan ginni ah ka gudbiso oo ay isku dayaan inay Roma kaga iibsadaan.

Iyadoo Zaniolo uu weli ka harsan yahay qandaraaskiisa in ka badan afar sano iyo bar, waxaa macquul ah in dalabkaas la diido.

Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale horey loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso da ‘yarkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan